shubmid
(m.f.dh)eeg shuban³.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shubmid ↴
bax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iwm). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iwm). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.
biyashubmid [m.f.dh]
eeg biyashuban.
dooxan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xmay, -xantay; -xmi)
1. Wax caloosha laga soo riday noqosho. 2. Nafley aad u shubmid.
halwo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-waday, -watay)
Ku h.: Wax, wax ka weyn ku dhex shubmid ama ku dhex dhicid.
qulqul [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ulay, -ushay)
1. Hoore si aan kala go'lahayn u shubmid ama u socosho. 2. Dad, xoolo iwm si aan kala go'lahayn u socosho.