shucuur
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)Dareen; qiiro.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shucuur ↴
baraaruji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid hurdo ka toosin. 2. Dareen iyo shucuur dad kicin.
burur [m.l]
1. Dareen qofka ku dhasha marka uu la kulmo wax shucuurtiisa kiciyo oo ka lumiyo is-hanashada; jidbo. 2. ld burbur 1. 3. ld bururid.
caro [m.dh]
Dareen qofka ku dhasha oo shucuurtiisa kiciya marka xumaan ama qadaf lagu sameeyo.
erey-dareen [m.l]
(nax.) Cod muujinaya hadlaha shucuurtiisa sida yaab, naxdin farxad iwm. Tus. “Ba'a!”, “Alla hayow!”.
hambalyo [m.dh]
Hadal xambaarsan shucuur farxad leh oo loo jeediyo cid heshay ama soo hoyisay wax lagu farxo.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg