shukaan
(m.dh) (-mmo, m.l)1. Meesha uu fariisto qofka wada baabuur, markab,dayuurad iwm. 2. Isku joog garangar ama wax u dhigma iyo xubno kale ka kooban oo gaadiidka badda, cirka iyo dhulka ninka wadaa uu adeegsado.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shukaan ↴
kaan [m.l]
1. (u) Daloola ku yaal doonida miilkeeda dambe iyo madaxa shukaanta. 2. Kala k.: wax kala duwan.
kaanad [m.dh]
Qori dheer oo masaxiisa ballaaran oo daloola shukaanta afkeeda kore oo fiiqan la gesho, madaxiisa kalena shukaanhayuhu gacanta ku hayo oo doonida ku duduwo.
koodi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Hadal sir ah cid ku qarsasho. 2. Cid shukaansasho.
naqiisad [m.dh] (-do, m.l)
Biro yaryar oo isgala oo shukaanta iyo doonida isu haya.
sharrax [m.l]
1. Alaabooyin yaryar oo guryaha lagu qurxiyo. 2. (-xyo, m.dh) Qori lagu celiyo shukaanta markabka.
sheellare [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Bir xalleefsan, shukaanta halkeeda hoose ku taal oo marka cagta lagu riixo uu kordho xawliga wareegga matoorku.
shukaansad [m.l]
ld shukaansasho.
shukaansasho [m.f.dh]
eeg shukaanso. ld shukaansasd, shukaansi.
shukaansi [m.l]
ld shukaansasho.