shulshul
(m.l) (-llo, m.dh)1. Laalaabka googaradaha haweenka, daahyada, darii-shadaha iyo albaabadu ay ku yeeshaan meesha dulaca laga geliyo. 2. Raamaha loo yeelo darfaha maryaha qaarkood ee lagu qurxiyo.
shulshul
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ulay, -ushay)1. Googarad, daah iwm laalaab u yeelid. 2. Maro darfaha faraq uga yeelid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh shulshul ↴
shulshulan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay; lmi)
Wax shulshul yeeshay noqosho.
shulshulan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Maro wax shulshul loo yeelay ahaansho.
shulshulid [m.f.dh]
eeg shulshul².
shulshulmid [m.f.dh]
eeg shulshulan¹.
shulshulnaan [m.f.dh]
eeg shulshulan². ld shulshulnaansho.
shulshulnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld shulshulnaan.
shushub [m.l]
1. Dabaadiga guga xilli roob aad u badani ka da'o gobollada koonfureed gaar ahaan jubbooyinka. 2. Shulshul. 3. Sh. ah: cadar, saliid iwm oo waxyaabo la isku dardaray ka kooban.
shushub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Maro iwm dacalkeeda shulshul u yeelid. 2. Hoore weel ku gedgeddin.