sibbaaq
(m.l)Rinji dharka la geliyo.
sibbaaq
(m.l)(kiim.) Walax lagu midabeeyo dunta, maaska, iwm. Sibaaqyada badankoodu waa iskudhisyo orgaanig ah oo la macmalay. Sibaaqyadu aalaaba waa iskudhisyo orgaanig ah oo aan dhereg-sanayn oo leh dabarro lammaan oo talan-taali ah, dabarrada keenaaya midabka waxa lagu magacaabaa koroomofoor.
sibbaaq
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-qay, -qday)Dhar iwm midab u yeelid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sibbaaq ↴
sibbaaqan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-qnaa, -qnayd)
Dhar iwm wax midab loo yeelay ahaansho.
sibbaaqasho [m.f.dh]
eeg sibbaaqo.
sibbaaqid [m.f.dh]
eeg sibbaaq².
sibbaaqnaan [m.f.dh]
eeg sibbaaqan. ld sib-baaqnaansho.
sibbaaqnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld sibbaaqnaan.
sibbaaqo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-qday, -qatay)
Dhar iwm midab u yeelasho.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg