sidaas
(Falkaab | Adverb)ld si.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sidaas ↴
caabbin [m.l (fiis.)]
Summad: R. Saamiga keyd faraqa ee geftinnada gudbiye iyo qulqulka danabka ee dhexmaraya gudbiyaha. Sidaas awgeed, caabbi waa caabbirka hakinta qulqulka danabka. R = V/I taas oo V ay tahay keyd faraqa, I ay tahay qulqulka
danabka. Caabbiga waxa lagu cabbiraa oom (omega).
raad-guri-cagaar [m.l] (-dad, m.l)
(c.cimi.) Muuqaal fallaaraha qorraxeed ee galay gibilka dhulka: gibilku wuxuu u oggolaadaa tamarta qorraxeed ee hirarka gaaban inay gaarto dhulka dushiisa; tamartaasi waxay kululaysaa dusha dhulka, dabadeedna dhulku tamar kulul oo hirarkeedu ay dhaadheeryihiin ayuu gibilka ku sii daayaa, kulaylkaasna gibilka ayaa lagu hayaa gaar ahaan marka cirku caad leeyahay. Sidaas darteed gibilku wuxuu u shaqaynayaa sida qarshada guri cagaar.
allaylehe [Erey Dareen | Exclamation]
Erey la yiraahdo marka wax dhacay ay sidii loo filayay noqdaan; akkidid in wax dhacay ay sidaas noqonayaan. Wuxuu ka koobanyahay “Alle”, “i” iyo “lehe”. ld allaylee.
biresbiyobiya [m.dh]
(daaw.) Dhibaato lagala kulmo akhriska caadiga ah iyo fulinta hawlo dhow oo ay keento hoos u dhac xagga aragga oo da'du keento, taasoo ishu ayan awoodin in ay beddesho qallooca birta isha si ay faseex ugu aragto wixii u dhow. Sababta middaas waxay tahay ayadoo marba marka ka dambeysa ay lumeyso awood jiitimaadka birta isha (lens) sidaas awgeed qallooceedu ma beddelmi karo marka si fiican ugu muuqan mayaan wixii u dhow. Waxa lagu saxa muraayadaha indhaha oo uu takhtar kuu qoro.
borojekshan-sargo'an [m.l] (-no, m.dh)
(juqr.) Nooc khariidad brojekshan ah, taas oo u muuqata sida iyadoo galoobka laga arko fogaansho ma dhawaato ah, sidaas darteed hal galoob-badh ayaa lagu muujiyaa khariidad brojekshan. Fallaaraha ilayska ee borojekshanka samayntiisa saldhig u ah waa barbaro waxayna ku qotomaan sallaxa borojekshanka.
cag-qoolaaban [m.dh]
(daaw.) Qaabdarro cageed oo lagu dhasho saameyn kartana hal cag ama labada cagoodba taasoo qofka qaba uusan cagta cad wada dhig karin dhulka. Nooca ugu badan (Talipes Equinovaris) lugtu waxay u godontahay hoos waxayna u qalloocantahay gudaha sidaas darteed qofka qaba wuxuu u socdaa girgirka dibadda xiga ee dusha cagta.
cawsley [m.dh]
(juqr.) gobollada dunida ee degaankooda dabiiciga ahi uu ka koobanyahay caws; roobka ka da'a ma bixin karo kayn, isla markaas uu ka badanyahay midka ka da'a lamaddegaannada. Sidaas awgeed cawsleydu waxay ku dhacdaa dhulalka u dhexeeya kaymalayda iyo lamaddegaannada.
cuncun [m.l]
(daaw.) Xaalad cudur oo ka timaadda falgal jirku kaga hortagayo dhibaato dibedda uga timid, waxay xaaladdaasu noqon kartaa: mid muddo gaaban ama mid muddo dheer. Holaca muddada gaaban waa falgal difaac oo degdeg ah oo ay soohyadu kaga hartagaan dhibaato ka timaadda: jermi nool, walax kiimikaad ama fiisikaad. Astamaha: xanuun, kul, cassaan, barar iyo hawl gab. Xididdada dhiiga ee goobta waxaasi ka dhacayaan way dabcayaan oo ballaaranayaan sidaas darteed socodka dhiigga waa ku badanyahay goobtaas. Unugyada cadcad waxay galaan soohyada waxayna bilaawaan in heeraaryeeyaan baktiiriyada iyo waxyaabaha dibedda ka yimid soohyada waxay cunaan wixii dhintay oo way nadiifinayaan marar waxa sameysma malax waxaana bilowda buskood.
dabeyl [m.dh] (-lo, m.l)
(daaw.) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. ld dabayl¹ (5).
deriskunnool [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(c.nafl.) Noole kasta oo ku dul nool noole kale. Deris ku noolka nooloshiisa oo dhan ama qaar ka mid ah ku noolaada noole kale, wuxu ka helaa cunno iyo degaan xagga lagu noolaha, wax tarna kuma darsado. Deris ku noolayasha qarkood waxay keenaan cuncun waxayna dhex galaan hawlqabadka jirka; qar kale waxay baabi'iyaan soohyada lagu noolaha, waxayna ku sii daayaan sun jirka dhexdiisa; sidaas ayey caafimaadka wax ugu dhimaan cudurna u keenaan.
sida [Falkaab | Adverb]
ld si.