siddeedaad
(m.l.t.j)

Tirada jagaalada ah, kan u dhigma siddeedda.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh siddeedaad

h [m.dh]
(ha') Xarafka siddeedaad ee farta soomaaliga, ahna shibbane.

agoosto [m.dh]
Bisha siddeedaad ee sannadka miilaadiga ah.

gasayar [m.dh]
Bilaha dayaxa tooda siddeedaad oo soonqaadka ka horraysa; shacbaa.

shacbaan [m.dh]
Bilaha dayaxa oo Musliimku tirsado tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; soondheere.

soondheere [m.l]
Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; gasyar.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg