sidko
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-kaday, -katay)Hal geel sidig ka dhigasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sidko ↴
jajabow [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Xanuun qabatin yaryar leh oo ku dhaca haweenka uurka leh marka sidkoodu soo dhowaado.
kaltiri [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. U k.: xooluhu inta ay biyaha ka qadayaan xisaabin. 2. Wax riman sidkooda u maalmo tirin.
kur [m.dh] (-ro, m.l)
1. Duco iyo Alla-bari dumarka uurka lihi sameeyaan kolka sidkoodu dhammaad ku dhow dahay; kuraysi; madaxshub; sagaalaysi; tararaysi. 2. Buur yar; kood. 3. Xeero yar oo bunka lagu shubto. 4. Weel qori ah oo qaabka dhiisha loo qoro oo lagu kaydiyo burcadka inta aan la shiilin.
manjarrogo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gay, -gtay)
1. Isbeddelid (arrin). 2. Ilmo sidkoodii dhammaaday madaxa hoos u soo rogasho. ld majarrogo, mijarrogo, minjarrogo.
sidkasho [m.f.dh]
eeg sidko. ld sidko.
taraare [m.l]
Duco dumarka uurka lihi marka sidkoodu soo dhawaado samaystaan.
tuurin [m.l] (-inno/-imo, m.dh)
1. Qori yar oo af fiiqan leh oo hasha irmaan sanka looga mudo si ilmo loogu sidko. 2. Qori yar ooo af fiiqan leh oo timaha lagu tuuro.
sid [m.l]
1. Marka ilmuhu uurka galaan iyo marka ay dhashaan inta u dhexeysa. 2. Culaabta gaadiid hal mar qaadi karo.
sid [m.l]
(c.nafl.) Muddada ay qof dumar ahi ilmo uurka ku qaaddo, sidku wuxuu socdaa qiyaasta 266 maalmood, laga bilaabo calool galka ilaa ilmuhu dhashaan, ilmaha uurka ku jirana wuxu ku koraa uurka. Inta sidku socdo caadadu way maqantahay, waxaa dhici kara in ay aad u badato cuno cunnidu ama la jeclaado cunitaanka, naasuhu way weynaadaan, qofka dumarka ah waywallaci kartaa.
sid [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Cid ama wax qaadid ama kor u hayn. 2. (f.mg) Neef dheddig wax riman ahaansho.