sifee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-feeyay, -faysay)1. Wax nadiifin. 2. Wax kala miirid. 3. Wax sharxid. ld safee.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sifee ↴
baansiin [m.l]
Saliidda shidaalka ee cayriin marka la sifeeyo qeybaha ka soo baxa middood oo aan midab lahayn dabkana qabsan og oo loo isticmaalo shidaal ahaan; batrool. ld baansiino, baasiin, baasiino, bansiin, bensiin.
batrool [m.l]
1. Baansiin. 2. Saliid qaali ah, laga qodo dhulka, loo adeegsado shidaalka matoorrada oo marka la sifeeyo laga helo nafto, baansiin, gaas iwm.
birxarbi [m.dh]
1. Bir dhuuban oo dheer oo dhuunta buntukha lagu sifeeyo, wixi ku go'ana looga soo saaro.
hufan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fmay, -fantay, -fmi)
1. Wax la sifeeyey ama boor laga qaaday noqosho. 2. Wax la kala saaray noqosho.
hufan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-fnaa, -fnayd)
1. Wax la sifeeyey ama boorka laga qaaday ahaansho. 2. Wax la kala saaray ahaansho. 3. Qof aan ceeb lahayn ahaansho.
miire [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Qalab hooraha lagu kala sifeeyo.
nafto [m.dh]
Saliidda shidaalka ee cayriin marka la sifeeyo qaybaha soo baxa mid ka mid ah oo loo adeegsado shidaalka matoorrada diisalka ah. ld naafto.
safee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
ld sifee.
saliid [m.dh]
1. Hoore dufan ah oo miraha dhirta qaarkeed laga miiro raashinkana lagu iidaanto. 2. Hoore layiig ah, isku qasan oo idarokarbuuri ah oo ka dhasha isbedello, ka yimid haraayo orgaaniko ah oo tiro badan, dhulka hoostiisa muddo dheer ku biirsamay oo marka la sifeeyo loo isticmaalo iftiinsasho iyo shidaal. ld seriir.
sharciyeed [m.l]
1. (qaan.) Waxaa loo isticmaalaa in lagu sifeeyo waxyaabaha la xiriira sharciga, aqoonta sharciga, ama isticmaalada sharciga. 2. (qaan.) Ficil ama xaalad sharciyeysan uu sharcigu oggolaa-day ama ansixiyey.
sif [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Wan lax boodid.