sigaar
(m.l)Tubaako shiidan oo xaashi khafiif ah lagu duubay oo laga qiijiyo. ld saka-reed.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sigaar ↴
daa [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (dayay, deysay; deyn)
1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tus. “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”. dayay, deysay, deyn
haalaati [m.l]
Dareenka ku dhasha qof marka uu waayo wax uu caadeystey, sida sigaarka iwm; xaraarad; hamuun. ld halaati, halalaati. xaraarad, hamuun, halaati, halalaati
haash [m.l] (-shash, m.l)
1. Sigaar la cabbay inta ugu dambaysa; gumud. 2. ld qaash. gumud, qaash
abuumaqas [m.l]
1. Nafley bad ku nool ah oo leh jir qolof adag ku dahaarantahay, toban lugood oo labada hore u egyihiin maqas oo la cuno; koombe. 2. Nooc ka mid ah sigaarradii 40kii iyo 50kii Soomaaliya laga cabbi jirey oo dusha maqas kaga sawirnaa.
ba'an [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-'naa, -'nayd)
1. Wax aad u dhibaato badan ahaansho (abaar, colaad iwm). 2. Wax gardaran ahaansho. 3. Ku b.: wax, wax aad uga hela ahaansho. Tus. “Warfaa sigaarkuu ku ba'anyahay”. 4. Ku b.: wax, wax aad u yaqaan ahaansho. Tus. “Jaamac xisaabtuu ku ba'anyahay”.
buuq [m.l]
(fiis.) Jabaq kasta oo dad dhiba; waxa lagu qiyaasaa iskeelka desibal oo u dhexeeya heerka maqalka ugu hooseeya (0dB) iyo heerka dhawaaqa maqalku xanuuniyo (130dB). Dhawaqyo maqalka qasa oo dhexgala liid rakaad ee marin sigaarsiin.
buuri [m.l]
1. Geedo jaadad badan ah oo ubax guduud iyo caddaan ah iyo caleemo waaweyn, oo waran qaabki leh, bixiya; saakarro; tabaako. 2. Caleenta geedahaas oo siyaalo badan loogu isticmaalo (afka oo laga qiiqiyo ama laga cuno, sankoo laga cuno). 3. Waxyaalo kaloo caleemahaas laga sameeyo: sigaar, shurug, saliid, daawo, udgoon iwm. 4. Buuriga la qiiqiyo.
buuriyahan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Qof sigaarka aad u cabba. 2. Qof tubaakada cuniddeeda badsada.
cab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay/-bbay, -btay; -bbi)
1. Hoore si isdabajoog ah u liqid. 2. Sigaar dhuuqid.
dambasqaad [m.l]
Weel yar, dhalo, macdan, qori iwm ka samayn oo sigaarka lagu demiyo.