siiban
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bmay, -bantay; -bmi)

Wax la siibay noqosho.

siiban
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-bnaa, -bnayd)

Wax la siibay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh siiban

mililikh [Magac Lab | Noun Masculine]
Dhar jilicsan sida malkhabadda oo faraha ka siibanaya.

qulul [m.dh]
Meel kala dheer oo laga siiban karo. ld quluul.

siibmid [m.f.dh]
eeg siiban¹.

siibnaan [m.f.dh]
eeg siiban². ld sibnaansho.

suun [m.l] (-uuman, m.dh)
1. Daliig maqaar ama wax kale ka samaysanoo dhexda lagu xirto si uu dharka u celiyo. 2. Siddada alaabta qaarkeed sida dhiilaha, satiyada iwm lagu qaado. 3. Celiye idiin ah oo gadaal iyo horay kabaha ka haya si aysan u siiban.

siib [m.l] (-bab, m.l)
Laba barshin oo caw ah.

siib [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Qodax, musbaar, xidid iwm oo meel ku jirey ka soo saarid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg