siig
(m.l)

Ugaarta waweyn nooc ka mid ah oo biciidka u eg kana yar aadna u dheereeya lehna geeso dhaadheer oo gadaal u rogan.

Siigo*

Boodh iyo dhas dabaylo watta 


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh siig

boodhar [m.l]
Budo cad oo siigo ah udgoon oo waqtiga kuleylaha la marsado si ay dhidika u nuugto. ld boolbare, boolbire, bootar.

boor [m.l]
1. Ciid budo ah oo dabayshu si sahlan u qaaddo; siigo; bus. 2. B. ah: midab dambaska u eg oo ay lo'da iyo dameerahu yeeshaan.

bus [m.l]
Boor; siigo.

dabayl [m.dh] (-lo, m.l)
1. Hawo xoog leh oo dhan u socota. 2. Xanfar; siigo. 3. Rooxaan ama jinniyo la aaminsanyahay in dadka ay marto ku reebto suuxdin ama xubinno qallal. 4. Dhanka dabayshu ka socoto. 5. ld dabeyl.

dhansiig [m.l]
ld dhasiig¹.

dhansiig [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
ld dhasiig².

dhansiigid [m.dh]
ld dhasiigid.

dhasiig [m.l]
1. Dhega-adayg. 2. ld dhasiigid ld dhansiig¹.

dhasiig [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Wax ka dhega-adaygid. ld dhansiig².

dhasiigid [m.f.dh]
eeg dhasiig². ld dhansiig¹, dhansiigid, dhasiig¹ (2).

si [m.dh] (-iyaabo/-iyaalo, m.l)
1. Sah lagu suganyahay ama la yahay. 2. Hab; han-naan. 3. Tilmaan ama tayo wax leeyihiin. ld sida, sidaan, sidaas, sidii, sikasta, siwalba.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg