siinee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-neeyay, -neysay)1. Wax qurxin. 2. Wax xardhid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh siinee ↴
isle'eg-xigsiineed [m.dh] (-dyo, m.dh)
(xis.) Xiriirka ka dhexeeya doorsoome madaxbannaan x, doorsoome ku xirane y, iyo mid ama wax ka badan ee diiraneyaal y ah oo loo eego x ama waa isle'eg ay ku jiraan diiraneyaal.
siineyn [m.f.dh]
eeg siinee.
siin [m.l] (-iiman, m.l)
1. Magaca xaraf oo ka mid ah xarfaha af carbeedka 2. Duuf. 3. Taar. 4. Maacuunta inta birta ka samaysan oo dhalada iyo macdinka ahayn. 5. S. ah: subag dhalaashan. 6. (-iiman, m.l) Dheeh weelasha jikada oo birta ah qaar-kood oo loo yeelo.
siin [m.f.dh]
eeg sii². ld siis.
siin [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -isay)
Subag burcad ah weel gudihiis ku dhalaalid.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg