siiri
(m.l) (-iyaal, m.l/dh)Firimbi. ld siidhi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh siiri ↴
tacsiirid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg tacsiir².
seeriwale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Laba kooxood oo cayaar kubbadeed isaga soo horjeeda, qofka dhexdhexaadinaya oo seeriga u haya; garsoore. ld siiriwale.
siidhi [m.l] (-iyaal, m.l/dh)
ld siiri.
siiriwale [m.l]
ld seeriwale.
suuri [m.l]
Maryo qurux badan oo dalka Siiriya laga sameeyo.
tafsiirid [m.f.dh]
eeg tafsiir².
takhsiirid [m.f.dh]
eeg takhsiir².
sii [qr.fk]
1. (nax) Qurub tilmaamaya in falku uu ka fogaanayo hadlaha ama yeelaha. Tus. “Sii durug!. Guriga sii gal!” 2. Qurub tilmaamaya kordhin. Tus. “Arrintu way sii xumaatay”. 3. Qurub tilmaamaya sii socosho fal. Tus. “Hadalka sii wada!”.
sii [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iiyay, -iisay)
1. Qof wax milki uga dhigid. 2. Qof wax u dhiibid.