silsil
(m.l)1. Gilgilidda badar iwm oo la kala soocayo weel ballaaran gudihiisa lagu gilgilo. 2. Biyo yar oo badar lagu mayro.
silsil
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ilay, -ishay)1. Badar biyo ku dhaqid. 2. Wax rabsho ku samayn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh silsil ↴
naastro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qalab hadalka iwm ku duuba cajaladaha. 2. Silsilad xabbadaha qorigu ku jiraan oo boobayaasha culus la geliyo. 3. Mullaax maro ah oo khad leh loo isticmaalo makiinadaha qoraalka.
alifaatig [m.l] (-gyo, m.dh)
(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ah alkeyn, alkiin, ama alkayn iyo faracooda. Iskudhisyada alifaaligga ah badidoodu waxay leeyihiin dhis silsilad furan, hasayeeshe qaarkood, sida saykalohigseyn iyo sukurows, waxay leeyihiin giraamo.
asiidh-bu'eed [m.dh] (-dyo ..., m.dh)
(baay.) Silsilad weyn oo dheer oo molikiyuul ah, kana kooban silsilado nukliyootaydho ah, waxa laga helaa noolaha oo dhan. Taas oo qaadda wararka hiddo sidaha.
asiidh-dufaneed [m.l] (-dyo ..., m.dh)
(baay.) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban silsilad haydarookaarboon iyo dhammaad ah koox kaarboogsayl.
barroosin [m.l]
Bir culus, afar ganood oo dib u laaban iyo dabo daloosha oo silsilad lagu xiro leh, oo maraakibta iyo doonyaha badda loogu rido kolka la joojinaayo. ld barroosi.
buur-sameyn [m.dh]
(jool.) Buur dhisid: isbeddel ku dhaca heerka sinnaanta qolofta dhullka, isbeddelkaas oo dhadhaabo kor loogu soo tuuro si ay u sameeyaan silsillado buuro laalaab ama dhul go'.
dheefsade [m.l] (-ayaal, m.l)
(baay.) Noole quuta kuwa ka yaryar, marka laga eego xagga silsiladda cuntada. Daaqcunayaashu waxay quutaan dhirta cagaaran oo waa dheefsade hore, hilibcunayaashuna waxay quutaan daaq cunayaasha, markaa waa dh. dambe.
gubasho [m.dh]
(kiim.) Falgal kimikaad ee walaxi si dhakhso ah ula falgasho ogsijiin, maxsuulkuna noqdo kul iyo ileys. Falgallada noocaani, badanaaba waa silsiladda falgallada xidiidshaha xorta ah.
istarabtokokas [m.l] (-syo, m.dh)
(baay.) Qayb ka tirsan kooxda baktiiriyada garaam bositifka ah oo qaab wareeg ah leh sida silsiladdana u sameysma qaybo ka mid ah ayan cudur keenin qaarna waa cudur wadayaal.
mashiingaan [m.l] (-nno, m.dh)
Qori boobe ah oo cago leh oo xabbadihiisu silsilad dheer ku taxanyihiin. ld mashiiggaan, mishiggaan.