siman
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-nmay, -mantay; -nmi)

1. Laba wax ama ka badan, xag derejo, dhalasho, dherer iwm iskaga mid ah noqosho. 2. Dul aan meelo kala sarreeya lahayn noqosho. 3. Ku s.: wax meel ku eg oo aan dhaafsiisnayn noqosho. ld sinan¹.

siman
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-mnaa, -mnayd)

1. Laba wax ama ka badan, xag darajo, dhalasho, dherer iwm iskaga mid ah ahaansho. 2. Dhul aan meelo kala sarreeya lahayn ahaansho. 3. Ku s.: wax meel ku eg oo aan dhaaf-siisanayn ahaansho. ld sinan².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh siman

caad [m.dh]
1. Meel dhagax ballaaran oo siman leh oo ciid ku hareereysantahay oo biyaha celisa. 2. C.daas joog/c.daas mar: wax buux ah (weel); qof fiican.

raawi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Bir si ay u simanto garaacid. 2. (f.mg) Si isla helid ah sacab u tumid.

xagaaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Wax siman ka dhigid (dhul).

agaasiman [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-innaa, -innayd)
Wax la agaasimay ahaansho.

bannaan [m.l]
1. Dhul siman oo aan geedo iyo buuro lahayn; ban. 2. Meel xadeysan dhulka dibadda ka ah.

bannaan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Meel siman oo aan geedo lahayn ahaansho; meel aan wax oollin ahaansho. 2. Wax sharciga waafaqsan ahaansho.

bannaan-fatah [m.l]
(jool.) Dhul siman oo webi saaran oo ka samaysmay tuullimaadyada xaabka webigu uu sido.

bannaanow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-naaday, -naatay)
1. Meel aan geedo iyo dhis midna lahayn; dhul siman oo aan geedo iyo buuro iyo boholo midna lahayn; ban. 2. Wax xalaal ah noqosho.

cadaadis-beege [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qalabka loo isticmaalo in lagu cabbiro cadaadiska gibilka. Qaabkiisa ugu sahlan waxa loo yaqaan cadaadis beegaha meerkari; meerkaridaas oo ku jirta dhululubo qarsho ah oo xiran oo lagu gembiyay meerkari kale oo weel ku jirta; meerkaridaas ku jirta dhululubada waxay ismiisamayaan culayska gibilka, dherekeeduna wuxuu ku siinayaa cabbirka culayska cadaadiska gibilka. Heerka meerkarida ee dhululubada ku jirta wuxuu tusinayaa celceliska cadaadiska gebilka ee bad la simanta.

caris [m.l]
1. Dhul siman oo ciiddiisu guduudan tahay. 2. ld carin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg