siriq
(m.dh)

Qool xargaha iwm loo yeelo oo markii la dhufto isku roora.

siriq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-qay, -qday)

Il xarig isku roorid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh siriq ↴

cay [m.dh]
1. ld caay 1. Hadal ama fal qadaf ah oo cid loola jeedo. 2. God, shabaq, siriq ama bir iyo dabin kale oo loo dhigo ugaarta si ay ugu dhacdo. 3. Geedaha beerta laga guro oo inta la aruuriyo la gubo.

dabin [m.l] (-nno, m.dh)
Bir, siriq, god iwm oo loo dhigo nafleyda si loo qabto.

dabinqool [m.l] (-llo, m.dh)
1. Siriqda xarigga la rabo in wax lagu qabto. 2. Shirqool.

daldal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
Xarig siriq leh oo meel sare ka soo laalaada qof ku merjin. ld deldel².

dheyrdheer [m.l]
Shabaq siriqyo badan leh oo sagaarada lagu dabo.

goodaaddo [m.dh]
1. Xammaarato qorratada u eg laakiin ka weyn, oo sun halis ah leh oo jilfaha iyo godadka gasha. 2. Laandheyr; siriq.

guntin [m.dh] (-imo, m.l)
1. eeg gunti. 2. In yar oo maro ama wax kale ah oo meel ku xiran. 3. Siriq.

il [m.dh] (-lo, m.l)
1. (indho, m.l) Xubinta aragga. 2. Meel biyo ka soo burqadaan. 3. Siriq. 4. Kartida ishu cid wax ku yeeli karto (senen); dhabato. 5. Dabool iniinaha badarka kor kaga dhegsan. 6. Dhul bannaan oo kaymo hareeraha ka xigaan.

qool [m.l] (-lal, m.l)
1. Suun ama xarig siriq leh oo maqasha iwm surka lagaga xiro. 2. Ul weyn. 3. Kuul. 4. Summad wareeg ah oo xoolaha luqunta looga dhigo. 5. Diillin cad oo neef ido ah kurka uga taal.

qool [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-oolay, -ooshay)
1. Suun ama xarig siriq u samayn. 2. Cid khayaameyn.

sir [m.dh]
(asraar, m.dh) 1. Wax qarsoodi ah oo aan dadku wada ogayn. 2. Dhagar; khayaamo.

sir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Cid khiyaamayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg