sixir
(m.l)

Farsamo ku dhisan aqoon qarsoon oo la moodo in ay saamays weyn leedahay oo cid wax lagu yeeli karo; falfal.

sixir
(m.dh)

Nooc siilaanyada ka mid ah oo dusha ku leh midabbo.

sixir
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-xray, -xirtay; -xri)

Cid sixir wax ku yeelid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sixir

faalallow [m.l] (-wyo, m.dh)
1. Nin faalka yaqaan. 2. Sixirrow. ld faalshow, faashow. Sixirrow, faalshow, faashow

raadgur [m.l]
1. ld raadgurid. Doonidda wax maqan meesha uu maray. 2. ld raadgurid. Baaridda arrin iyada oo la eegayo sidii ay u dhacday. 3. Tuug wax qaaday si uusan ula fogaan sixir lagu sameeyo.

raadqaad [m.l]
1. Wax la raadinayo oo raadkooda la dabaggalo. 2. Sixir.

raadqaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Raad baarid, raadraacid. 2. Qof sixirid si uu meesha uu ku nool yahay uga cararo. ld raadgan.

saangan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gamay, -gantay; -gmi)
Qof sixir uu kaga cararo meel uu joogay ku samayn.

saangan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax sixir ka dheereeya meeshii uu joogay lagu sameeyey ahaansho.

saanqaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Ilmo yar socod billaabid. 2. Cid meel ka tegeysa socod billaabid. 3. Cid meel ay joogtay si ay uga tagto sixir ku samayn.

saaxir [m.l] (-riin, m.dh)
Nin sixirka yaqaan.

saaxirad [m.dh] (-do, m.l)
Naag sixirka taqaan.

tacdaaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Ku t.: dad badan Alla bari samaysasho. 2. Si wada jir ah wacad u gelid. 3. Sixir furyo samay-sasho. ld tadcaaro, tamcaaro.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg