siyaabo
(m.l.w)eeg si.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh siyaabo ↴
bituuminas [m.l]
(jool.) Dhuxuldhagax madowdhalaal ah; 75% ilaa 92% oo ka mid ahiba waa kaarboon; 4.5% ilaa 5.6% waa haydarojiin. Sida caadiga ah, waxaa loo yaqaan dhuxul guri. B. waa dhuxul-dhagax heer sare ah oo ka darajo sarraysa lignaytka, kana darajo hooseysa antarasayt. Waa dhuxul dhagaxda ugu badan uguna muhiimsan ee la helo iyadoo siyaabo dhawr nooc ah u jirta, sida dhuxulkook iyo dhuxulneefeed.
cudbi [m.l]
Bul jilicsan, cad, loo isticmaalo siyaabo badan, dharkana laga samaysto oo uu dhalo geed ka baxa kulaylaha; suuf.
iskudhufasho-leeb [m.dh]
(xis.) Iskudhufa-shada laba ama dhowr leeb. Taas oo loo qeexi karo laba siyaabood iyada oo loo eegayo in jawaabtu tahay leeb ama foolwaa midkood.
magaad [m.l]
Budo cad, dhadhan qaraar leh oo tubaakada lagu cuno, siyaabo kalena loo isticmaalo.
silig [m.l]
Daliig dheer oo bir ah, oo siyaabo badan loo isticmaalo.
xisaab [m.dh]
(xis.)1. Waxa jira siyaabo badan oo loo qeexi karo xisaabta, hase yeeshee, qeexidyadaasi ma aha kuwa loo qaadan karo qeexidda ereyga. 2. Barashada sida ratibaa-dyo iyo xiriiro loo bandhigo la isuna gaar-siiyo. 3. Barashada tirooyinka, shaxannda iyo qaybo kale oo lojik ahaan. 4. Barashada tirooyinka, shaxannada iyo qaybo kale oo lojik ahaan loo adeegsado. Waxaa loo qaybiyaa xisaab saafid iyo dabaqaad. Inkas-too qaybintu aan ahayn mid go'an misna labada qaybood waa ay isku xiranyihiin.