siyaaro
(m.dh) (-ooyin, m.l)1. Booqasho cid loogu tago. 2. Xus qof dhintay loo dhigo oo loogu duceeyo.
siyaaro
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-rtay, -ratay)1. Cid booqasho ugu tegid. 2. Qof dhintay xusid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh siyaaro ↴
cumro [m.dh]
(dii.) Siyaaro sunna ah oo Kacbada lagu tago oo leh sida xajka xarmasho, dawaaf iyo socod. ld cimro.
dhafar [m.dh]
Habeen dhan oo digri lagu soo jeedo gaar ahaan siyaarooyinka.
maqbaro [m.dh]
1. Qabriyo badan oo meel ku wada yaal. 2. Siyaaro lagu sameeyo qabriyaha.
quraan-akhris [m.l]
1. Siyaarooyinka, Allabariyada oo Quraan dad badani ka akhriyaan. 2. Akhrinta la akhriyo Quraan.
siyaarasho [m.f.dh]
eeg siyaaro².
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg