siyaasadee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-deeyay, -daysay)1. Cid siyaasad kula dhaqmid. 2. Cid khayaa-mayn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh siyaasadee ↴
kaadar [m.l] (-rro, m.dh)
Qof loo diyaariyey maamul ama hoggaan siyaasadeed. ld kaadir. kaadir
urur [m.l] (-rro, m.dh)
1. Seddax horimood oo ciidan ah. 2. Dad aragti siyaasadeed ku midoobay. 3. Tiro isku wax ka hadlaysa oo is buuxinaysa.
argaggixisannimo [m.dh]
Isticmaalid rabash, dil, afduub iyo dhac si loo gaaro ujeeddo siyaasadeed ama si loogu qasbo dawlad in xukunkeedu wax ka beddesho.
bolshofiik [m.l]
(siyaa.) Hab siyaasadeed iyo fikrad uu Lenin iyo kuwii raacsanaa ay keeneen dalka Ruushka kacaankii Ruushka kaddib 1917.
borobogaanda [m.dh]
(siyaa.) War iwm oo la xiriira fidin dicaayad ama xayeesiin arrimo siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi iwm.
cilmiga siyaasadda [m.l]
Barashada habka siyaasadeed iyo awoodda xukunka ee looga dhaqmo waddan, gaar ahaan kuwa ku dhaqma nidaamka dimoqraadiga.
idolojiyo [m.dh]
Aragti siyaasadeed.
israac [m.l] (-cyo, m.dh)
Isutagga laba ummadood iwm ay yeeshaan iyagoo maamul siyaasadeed oo isku mid ah wadaaga.
itixaad [m.l]
Isutagga siyaasadeed, dhaqaale, iwm ee dhex mara laba dawlad iwm; midow.
jamciyad [m.dh] (-do, m.l)
Dad urur siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iwm ku midoobey.
siyaasad [m.dh] (-do, m.l)
1. Hab maamul dawladeed oo lagu wado waddan gudihiisa ama dibaddiisa. 2. Laan cilmiga bulshada ka mid ah oo lagu barto hab maamulka dawladeed. 3. Basar; dhagar. ld siyaaso.