socdaal
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Safar meel fog lagu aado. 2. S. ah: qof safar ah. ld sadcaal¹, sodcaal¹.

socdaal
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-aalay, -aashay)

Meel fog safar ku aadid. ld sadcaal², sodcaal².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh socdaal

aad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Meel u socdaalid ama u kicid. 2. (f.mg) Ku a.: wax wax kale u dhigmid. 3. (f.mg) Ku ?a.: cunto cabid iwm cid ku filnaan. 4. (f.mg) Ku ?a.: wax muuqaalkooda wax kale isku gudbid. 5. (f.mg) Ku ?a.: meel aadisteeda wax u adeegsasho. Tusaale: “Cali baabuur buu Kismaayo ku aaday”.

ambabbax [m.l]
1. ld ambabbixid. Billowga socdaalka. 2. Lacag jidmar ah. 3. A. ah: qof markaa socdaal bilaabaya.

ambabbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Qof socdaal billaabid.

ambabbixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof socdaal gelaya waxa uu u baahanyahay siin. 2. Cid safraysa sagootiyid. 3. Xoolo foofaya agaasimid.

carraggoo [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-ooyay, -oysay)
1. (f.g) Socdaal ugu horrayn. 2. (f.mg) Beer dooxyo u yeelid.

dalmarid [m.dh]
Tegidda dalal badan socdaal lagu tago.

hawkar [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Dhibaato, daal, cabsi iwm oo lagala kulmo socdaal.

jiscin [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. ld jicsin. Cuntada loo qaato safar ama socdaal; Sahay. 2. (-mo, m.dh) Xargaha wadaanta siddada looga dhigo midkood.

jiscin [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-imay, -intay; -imi)
Cunto safar ama socdaal loo qaato cid siin.

kalkaggeeddi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
K. ah: qof socdaal raba hiyikaca ku dhaca.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg