socod
(m.l)1. Lugaha oo si isbada-joog ah loo qaado iyadoo meel laga dhaqaajinayo. 2. Dhaqdhaqaaq aan joogsi lahayn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh socod ↴
eber sugan [m.l] (fiis.)
Heerkulka ugu hooseeya
ee aragti ahaan suurtagala. Waa heerkulka
tamar socodka molikiyuulada iyo atamadu
uu ugu hooseyo, wuxuuna u dhigmaa -
273.15 C ama -459.67 F.
gaabis [m.l]
1. Gaabis ah: socod yaraan. 2. ld gaabin. gaabin
taabac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -bici)
1. Cid raacid.
2. Socod dheereyn ku jirto socosho.
raac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday)
1. (f.g) Cid socod ku wehelin. 2. (f.g) Waddoqaadid. 3. (f.g) Diyaarad, baabuur iwm oo socda fuulid. 4. (f.g) Bahal iyo dayac xoolo ka ilaalin. 5. (f.g) Cid cayrsasho. 6. (f.mg) Ku r.: cid ra'yi iwm la oggolaan. 7. (f.mg) La r.: xoolo iwm garaacid. waddoqaadid
daaddah [m.dh]
Eray carruurta yaryar lagu yiraahdo kolka gacnaha la hayo oo socodka la barayo.
daaddihi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Ilmo yar socod barid. 2. Wax si tartiib ah u wadid.
eeraan [m.l]
1. Socod ama orod badan. 2. Ee. ah: nooc geela ka mid ah oo dhaadheer.
faalal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Agagaar, hareer. 2. Socod aan meel lagu tegin. 3. ld faalalid. faalalid
gaafmeer [m.l]
1. Socodka uu qof sameeyo isaga oo iska ilaalinayo in ay cidi aragto; kormeer; afmeer. 2. ld gaafmeerid. ld gaafammeer¹, gaafwareeg¹. kormeer, afmeer, gaafmeerid. gaafammeer, gaafwareeg
jaalabuto [m.dh]
1. Cayaar ay cayaaraan goroyada, shimbiraha iwm oo ay cagaha dhulka la dhacaan. 2. Socod nafley badani ay koox-koox ugu socoto. 3. Feer, haraati iwm oo cid lala dhaco