sokee
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-keeyay, -kaysay)

Wax, wax kale ka dhow noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sokee

casabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dad wada dhalasho ka dhexeyso; xigto; ehelo; xigaalo; qaraabo; sokeeye.

colguri [m.l]
1. Naag la qabo oo dhibaato badan. 2. Xuguf iyo isnaceyb ka dhexeeya dad ehel ah oo meel ku wada nool; dagaal sokeeye.

ehel [m.l]
Qaraabo, sokeeye, xigto. ld ahal, ahalo, ehelo.

isbahaysi [m.l]
Xiriir isgaashaanbuuraysi oo ka dhexeeya dad, ummado, dawlado, iwm oo sokeeye ahaan isku raaca. ld isbahaysasho.

isbahayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Dad, ummado, dawlado, iwm xiriir isgaashaan-buuraysi oo sokeeye ahaan uga dhexeeya isku raacid.

qal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Neef nool gowracid, oo kala dhigdhigid. 2. Meel jirka nafleyda ka mid ah jeexid si loo daaweeyo. qalaad s. Dhul kale ama tol kale ah; aan sokeeye ahayn; shisheeye.

qareennimo [m.dh]
1. Qareen ahaansho. 2. Qaraabo, sokeeye.

shisheeye [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. Qof aan xiriir sokeeye la lahayn qolo. 2. Qof jooga dal uusan u dhalan.

sokayn [m.f.dh]
eeg sokee.

soke [Sifo | Attributive]
Meel durugsan, halka ka sokeeya; meel dhow. Tus. “Togga sokadiisa ayay degganyihiin”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg