soo dhac
(m.l)(kiim.) Saxarro kaahfaleed oo ka soo dhaca atmoosfeerka marka uu qarax bu'eed dhaco.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh soo dhac ↴
kaah-qorraxeed [m.l]
(fiis.) Tamar kaahda dhulka iyo meereyaasha kale ay ka helaan qorraxda. Kaaha gorraxdu si la taaban karo ayuu ugu kala duwanyahay dhulka dushiisa. Xaddiga kaah gorraxeedku wuxuu isla beddelaa kolba xagasha ay fallaaraha ilaysku uga soo dhacayaan dhulka maalinta dhexdeeda.
xabbaar [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Qaybinta la qaybiyo xoolo la soo dhacay.
xabbaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Xoolo la soo dhacay qaybin.
agagse [m.l]
1. Waxa laga baxsho ama laga qasho xoolo la soo dhaco inta aan la qeybsan. 2. Wax yar oo kororsiimo ahaan loo siiyo qof xoola la soo dhacay oo la qaybsaday wax yar ka helay. ld agaagse.
cilcilloon [m.l]
Dabayl hadba dhan ka soo dhacda.
dheel [m.l]
Qabowga habeenkii soo dhaca oo wata sayax.
doox [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday)
Wax af leh calool nafley ku dhufasho si uur-kujirtu uga soo dhacdo.
dooxo-daldalan [m.dh] (-ooyin ..., m.l)
(juqr.) Waadi laageed ku darma waadi weyn, laagtaas oo ka soo dhacaysa meel joog door ah ka sarraysa waadiga weyn, sidaas darteed biyaha ku qulqulaya waadi laageedkaas waxay ku galaan waadiga weyn si biyo dhac ama daadag ah. D.ooyinka ama waadiyaasha daldalan waxay caan ku yihiin dhulalka socodka baraf weynuhu uu gooyay.
feker [m.l]
(afkaar, m.dh) 1. Garasho. 2. Wax qofka maskaxdiisa ku soo dhaca oo uu iskula hadlo. ld fakar¹, fikir¹.
foofiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(baay.) Meel yar oo diisan oo ku taalla badhtanka qaybta dambe ee natiinaha qaar ka mid ah lafdhabarleyda. Waa meesha ugu muhiimsan ee uu ku soo dhaco ilaysku, waana halka aasaaska u weyn ee ragga. Waxa laga helaa qorratada, qaar ka mid ah shimbiraha iyo garadleyda ay ku jiraan dadku.