soohdin
(m.dh) (-imo/-ino, m.l)Seere, xad.
soohdin
(m.dh)(xis.) Xaddeyn ama xannibaad lagu sammeeyo dambeedka fansaar. Soohdin sare waa tirada U, taas oo f(x)_l dhammaan x-yada kujira horaadka. Tusaale ahaan, haddii f(x)=sinx markaa +1 waa soohdin sare iyo -1 waa soohdin hoose.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh soohdin ↴
xad [m.l] (-dad, m.l)
1. Xudduud; soohdin. 2. ld xaj.
dal [m.l] (-lal, m.l)
Dhul soohdin loo yaqaan leh oo la degganyahay; waddan.
dub-soohdin [m.l]
(fiis.) Lakab khafiif ah ee dareere oo ku samaysan oogada walax adke ah, taas oo dareeraha uu lakabku ka samaysanyahay uu socdo. Xoogga qalaad isjiidadka ayaa sababa in molikiyuulada dareeraha ee ugu dhow adkuhu ayna dhaqaaqin oo ay taagnaadaan, marka loo eego dareeraha ay ka midka ahaayeen.
seere [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
1. Dalal isku qabsan oo dawlado kala leeyihiin ama gobollo, beero iwm xarriiqda u dhexeysa oo caddaynaysa meesha mid ku dhammaado midna ka billaawdo; soohdin; xudduud; xad. 2. Dhul laga xayiro daaq-sinka xilliga doogga ah si loo daaqo jiilaalka.
soohdimayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Dhul soohdin u samaysasho.
soohdin-diiran [m.dh] (-dimo ..., m.l)
(c.cimi.) Xariiqda xadka ee dhulka oogadiisa oo u dhaxaysa cuf horumaraya oo hawo diiran ah iyo hawada qabow ee ay ka kacayso.
tirobeel [m.l]
1. (xis.) (Summad '8') xadla'aan ka weyn tiro ama soohdin kasta oo maguuraan ah. Tusaale ahaan, ururka tirooyinka idil. 2. (xis.) Qiimaha xaddi oo u kordha xad la'aan. Tusaale ahaan, haddii y = 1/x, markaa y waxa ay sigaysa tirobeel marka x ay siqdo 0.
xudduud [m.dh]
1. Duxda hadalka ama macnaha oraah lagu dhawaaqay ka dam-beysa. 2. Xusuus la sii dhadhansado, oo wax kolkaas la sheegay soo kiciyaan, lagu soo garwaaqsado. 3. Seere; soohdin; xad.