soonfur
(m.dh)

Bilaha dayaxa oo soomaalidu tirsato tooda tobnaad ee u dhexeysa soonqaad iyo sidataal.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh soonfur

waddac [m.l]
1. Lix beri oo sunno ah oo laga soomo bisha soonfur. 2. ld waddacid.

shawaal [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Bilaha dayaxa oo muslinku tirsado tooda tobnaad oo u dhexeysa soonqaad iyo sidataal; soonfur.

sidataal [m.dh]
Bilaha soomaaliga oo dayaxa lagu tirsado, tan u dhexeysa soonfur iyo arrafo.

soon [m.l]
1. Tiiraarka islaamka kooda afaraad oo muslinka faraya in bisha ramadaan soddonkeeda wax la cuno iyo wax la cabbo laga fogaado maalintii. 2. Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda sagaalaad ee u dhexeysa soondheere iyo soonfur, lana soomo; soonqaad. 3. Qadoodi.

soonqaad [m.l]
Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda sagaalaad oo u dhexeysa soondheere iyo soonfur lana soomo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg