taah
(m.l)Cod tabar yar oo aan kala soocnayn oo qofka buka ka soo baxa.
taah
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-hay, -hday)Taah samayn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taah ↴
haadey [Erey Dareen | Exclamation]
Erey dareen tilmaama, taah naag
murugaysan la qayliso. ld hoohey. hoohey
haar [m.l]
Qaylo, taah, dhaqdhaqaaq iwm oo uu sameeyo qof xanuun badani hayo. qaylo, taah, dhaqdhaqaaq
haar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Xanuun awgiis la taahid (qof).
taahid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taah².
alal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay)
Xanuun la taahid.
istaahil [m.l]
1. Fal u dhigma xumaan ama wanaag la gaystey. 2. ld istaahilid.
istaahil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
Qof wanaag ama xumaan geystey fal u qalma ku abaal marin.
istaahilid [m.f.dh]
eeg istaahil². ld istaahil¹ (2).
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg