taam
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

T. ah: wax kaamil ah oo aan wax ka maqnayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taam

taambuug [m.l] (-gyo/taambuug, m.dh)
Teendho.

taamid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taan.

taamyeel [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-eelay, -eeshay)
Wax dhammaystirid.

taamyeelid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taamyeel.

taawi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax malayn. 2. (f.mg) Ku t.: wax ku taamid. ld taawil.

astaamayn [m.f.dh]
eeg astaamee. ld astayn.

astaamayn [m.dh]
(nax.) Astaamo lagu kala qaybiyo hadal qoran sida: hakad, joogsi, kolmo, bilo, laba dhibcood iwm.

astaamaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax astaan loo yeelay ahaansho. ld astaysan.

astaamaysnaan [m.f.dh]
ld astaamaysnaansho, astaysnaan, astaysnaansho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg