tan
(m.l)

1. Culays dhan 1000 kg. 2. Mug.

tan
(mu.ti.dh)

(kuwan, w) Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka ha-dlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “Tan meesha fadhidaa waa walaashay”.

tan
(dk.ti.dh) (-tan)

Dibkabe tilmaame oo magac dheddig dib looga qodbo oo wax qofka hadlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tus. “Tintan tayda ma aha”.

tan
(Falkaab | Adverb)

Ilaa; T. ama taniyo: mar laga bilaabo; jeer laga gaaro. Tus. “Tan iyo intii uu halkaan yimid wuu bukay”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tan

aagga-qabow [m.l] (-gag-qabow, m.l)
(jool.)Soohdinta dhulka dushiisa ee kala soocda hawo qabow iyo hawo diiran. Hawada qabow ayaa hoos ka cadaadisa tan diirran.

ta [mu.ti.dh] (kuwa, w)
kuwa, w Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ta timid waa Caasho”. ld tan (1) tan

raabacad [m.dh]
Cayaar turub (dabaka-eri)marka saddex raani baxdo tan afaraad ee harta.

saa [Falkaab | Adverb]
1. Armaa, billaa, sow. 2. Sida tan. armaa, billaa, sida, sow

gaabso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-saday, -satay)
1. (f.g) Wax dheer, wax gaaban ka dhigasho. 2. (f.mg) Codka gaabso: cod hoos u dhigid. 3. (f.mg) Ka gaabso: wax ka tanaasulid.

raacatannimo [m.dh]
Raacato ahaansho.

caadaqaatannimo [m.dh]
Caadaqaate ahaan-sho.

gaafootan [m.l]
1. Kaltan. 2. ld gaafootamid. kaltan, gaafootamid

gaafootan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Wax ku kaltamid.

haatan [Falkaab | Adverb]
Hadda tan la joogo; amminka, hadda. amminka, hadda

t [m.dh]
(ta') Xarafka sagaal iyo tobnaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg