tartan
(m.l) (-ammo/-anno, m.dh)

1. Baratan. 2. T.ka suugaanta; t.ka gabayada.

tartan
(m.l) (-ammo/-anno, m.dh)

(baay.) Isdhexgal ka dhex dhaca laba ama in ka badan oo noole, tiro dad ama jinsiyo, kuwaas oo wadaaga ilo degaameed. Marka ilaha wax laga helayaa yaraadaan. Tartanku waa quwad muhiim ah marka laga hadlayo tadawurka. Tus. “Dhirtu way dheeraadaan si ay ugu tartamaan ilayska qorraxda”.

tartan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-amay, -antay; -ami)

La t.: cid, cid kale la baratamid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tartan

naado [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Ogeysiis dad loo bandhigayo. 2. Bandhig iib oo tartan ku jiro.

jaal [m.l] (-lal, m.l)
1. Saaxiib dhab ah; rafiiq; waday. 2. Koox tartan ciyaareed ku wada jira qof ka mid ah.

ultansii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Laba qof ama ka badan ula yaryar oo laysla dhaco ku tartansiin (ciyaar).

badi [f.g/mg1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
1. (f.g) Wax in go'an ahaa, in kale oo la nooc ah ku darid. 2. (f.mg) Ka b.: cid tartan kaga adkaan. 3. Ka b.: wax, cid uga aqoon badnaan; ka rayn. 4. Ka b.: wax intii loo baahnaa in ka badan ku darid. Tus. “Shaahii sonkor buu ka badiyey”.

barbardhac [m.l]
1. ld barbartan 1. B. ah: labo qof, koox ka badan oo tartan ku kala badin waayey. 2. ld barbardhicid.

barbardhac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -dhici)
Labo qof, koox ama ka badan tartan ku kala badin waayid. ld barbarradhac².

barbarree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Dood, run ka sheegiddeeda ka warwareegid. 2. Cid tartan kula sinmid.

bedertami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax orod ku tartansiin. ld baratami, baratansii, bedertansii, beretami.

bedertan [m.l]
Tartansiinta wax orod lagu tartansiiyo. ld baratan¹, beretan¹.

bixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax meel uu joogay ama yaallay ka saarid. 2. Wax sida musmaar qodax iwm meel uu ku mudnaa ka siibid. 3. Wax halis ka badbaadin. 4. Qof, wax uu hayey cid kale siin. 5. Dab iwm shidid. 6. Magac u b.: nafley, meel iwm magacsiin. 7. Wax u b.: qof dhintay wardi ama sadaqa u hibayn. 8. Isu b.: wax kala qoqoban isufurid. 10. Isu b.: laba qof tartansiin. 11. Kala b.: kala saar. ld bixi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg