tebi
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-iyay, -isay)1. (f.g) Gudbin, gaarsiin. 2. (f.mg) Xoolihii rimi lahaa oo aan rimin ama beer waqtigii ay bixi lahayd aan la beerin; waqti ka boodid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tebi ↴
qaabile-kiimikaad [m.l] (-layaal ..., m.l/dh)
(baay.) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka
kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug
badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka
dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale
ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.
abaaji [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Xoolo lumay waa dambe tebid.
arag [m.l]
1. Hawsha indhuhu jirka u qabtaan ee ugu tebiyaan walxaha ka hor imaanayaa waxa ay yihiin. 2. Muuqaal.
buseel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-eelay, -eeshay)
U b.: wax u hiloobid; tebid.
cashatebi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
ld cashatab².
cashatebid [m.f.dh]
eeg cashatab². ld cashatebin, cashatebis, catajebid, catajebin, cata
cashatebin [m.dh]
ld cashatebid.
cashatebis [m.l]
ld cashatebid.
dareeme-kiimikaad [m.l] (-mayaal, m.l/dh)
(baay.) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.
goco [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-cday/-coday, -catay/-cotay)
Dhacdo lahan-reeb ah dib u xusuusasho; tebid; garwaaqsash.