tee
(mu.we.dh)

(kuwee, w) Magacuyaal weyddiimeed oo dhaddig, oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. tus. “Waa tee midda hadlaysa imminka?”.

tee
(dk.we.dh) (-tee)

Dibkabe weyddiimeed oo dheddig, oo wax ama qof lagu hubsado. Tus. “Fartee baa kula qurxoon?”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tee

ha'ahaatee [xi]
ld hayeeshee. hayeeshee

jaalabutee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-teeyay, -teysay)
Jaalabuto samayn.

saalaxweetee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-teeyay, -teysay)
Badeeco aan badnayn hadba meel la tegid.

taageer [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Qof wax tarid ama kaalmayn. ld teegaar.

taageere [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Qof wax ayida ama taageera; ayidsane. ld teegaare.

taageerid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taageer. ld taageero, teegaarid, teegaaro.

tabaaqil [m.l]
Dhir teel fog.

uubatee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-teeyay, -teysay)
1. Sida uubatada u ciyid. 2. Qaylo dheer cid maqashiin.

uumitee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-tgeeyay, -teysay)
Hilib uumito ka dhigid.

xadatee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-teeyay, -taysay)
Cid xadato dareensiin. ld xanantee, xanatee.

t [m.dh]
(ta') Xarafka sagaal iyo tobnaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg