teedi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Ood, qoryo iwm xiriir isu dhigid. ld teed².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh teedi

sarab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rbay, -rabtay; -rbi)
Ulo yaryar meel ku teedid.

teed [m.l]
1. Qoryo gaagaaban oo meel la dhisayo la sii saarsaaro. 2. Ood loo dhigo ugaar si ay u marto meel loogu talaggalay. 3. ld teedin.

teed [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
ld teedi.

teedid [m.dh]
ld teedin.

teedin [m.f.dh]
eeg teedi. ld teed¹ (3), teedid.

tee [mu.we.dh]
(kuwee, w) Magacuyaal weyddiimeed oo dhaddig, oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. tus. “Waa tee midda hadlaysa imminka?”.

tee [dk.we.dh] (-tee)
Dibkabe weyddiimeed oo dheddig, oo wax ama qof lagu hubsado. Tus. “Fartee baa kula qurxoon?”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg