teer
(mu.ti.dh)(kuweer, w) Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado. Tu. “Cali wuxuu rabaa inuu la hadlo teer timid hadda”.
teer
(dk.ti.dh) (-teer)Dibkabe tilmaame oo dib looga qodbo magac dhaddig, oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh teer ↴
bakteeriafayj [m.l]
(baai.) Fayras ku dhex nool bakteeriyada. Mid kastaana waxa uu gaar u yahay hal nooc oo bakteeriya ah. Waxa uu si dhaqso ah ugu koraa una baabi'iya unugyada soorihiisa ah.
bakteeriya [m.dh] (-ayaal, m.l/dh)
(baay.) Noole ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn xuub bu'eed u gaar ah, hase yeeshee leh gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da badanaaba waxa lagu kala soocaa habka khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiin ama yaanay u baahnaan) iyo qaabka muuqaalkooda.
bakteeriya-ciijiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(baay.) Fiirus jajabiya bakteeriyada.
dheelitiran-kiimikeed [m.l]
(kiim.) Falgal kiimikaad oo gedisme ah oo ribnaanta falgaleyaasha iyo maxsuulladuba aanay isla beddelin amminta sababta oo ah habdhiska ayaa ku sugan xaalad teermoodaynamik ahaan dheelitiran.
diyuuteeriyam [m.l]
Sumaddeedu waa D. Iskugod haydarojiin oo deggan si dabiici ahna u jira, bu'diisuna ka koobantahay hal borotoon iyo hal niyuutaroon. Markaas cuf-atamkiisu waa ugu dhawaan labanlaabka kan haydarojiinta.
firijiteer [m.l]
ld firijideer.
histeeriya [m.dh]
(daaw.) Xaalad cudur maskaxeed oo astaamaheeda ugu waaweyn ay ka mid yihiin caadifad aan dagganeyn kalahadal, duufsasho u dabacsanaan iwm.
isteerin [m.l] (-mmo, m.dh)
Bir wareegsan oo dareewilku gacanta ku qabsado oo hadba baabuurka meesha uu doono ugu duwo.