tegid
(m.f.dh)eeg tag². ld tegis.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tegid ↴
xaadir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Qof meel ku sugnaan ama tegid.
eeg [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Qof ama wax indho ku hayn. Tus. “Beerta eeg”. 2. Soo ee.: booqasho ku tegid (meel). Tus. “Cali oo jiraan baan soo eegay”. 3. Ka ee.: halis ka ilaalin. Tus. “Carruurta dabka kaa eeg”. 4. Ku ee.: wax ku tijaabin. Tus. “Albaabka furaha ku eeg”. 5. Isu ee.: isbarbardhigid dad, waxyaabo, arrin iwm. Tus. “Labada qoraal isueeg”. 6. Iska ee.: wax, waxyeelladooda ka foojignaan.
faalal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay)
1. Dhul ku kor faafid. 2. Lugabaxsi meel aan fogeyn ku tegid.
maalinjoog [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Booqashada hal maalin ah cid ugu tegid.
qaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.
saalaxweetee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-teeyay, -teysay)
Badeeco aan badnayn hadba meel la tegid.
tafaraaruq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
Ismaan-dhaaf awgiisa ku kala tegid (dad). ld tafarruq².
waajib [m.l] (-baad, m.l)
1. Shaqo go'an oo qof u xilsaaranyahay oo laga doonayo inuu guto. 2. Wax Alle amray oo lays faray oo ka tegiddiisu dambi yahay; faral; farli.
waanshee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-sheeyay, -sheysay)
Dan la'aan meel u tegid.
xadaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dfay, -daftay; -dfi)
Xaraf ama erey ka tegid.