tig
(m.dh)

1. Bahal jiirka u eg oo leh lugo dhaadheer iyo jeenyo aad u gaagaaban. 2. (-go, m.l) Gaari yar oo saddex garan-garood (mid hore iyo labo dambe).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tig

waaq [m.l]
Magac ay Soomaalidu waagii hore ay u tigiin Ilaah. ld waq.

alifaatig [m.l] (-gyo, m.dh)
(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ah alkeyn, alkiin, ama alkayn iyo faracooda. Iskudhisyada alifaaligga ah badidoodu waxay leeyihiin dhis silsilad furan, hasayeeshe qaarkood, sida saykalohigseyn iyo sukurows, waxay leeyihiin giraamo.

aritmatig [m.l]
(xis.) Barashada xirfadaha la xiriira xisaabinta, iyadaoo la adeegsanayo tirooyin iyo xisaabfallo, sida; isugeyn, kala goyn, iskudhufasho iyo isuqaybin. Waxa kale oo ay la xiriirtaa barashada dhismaha habdhiska tirooyinka, iyo sida tiro sansaankeedu loogu beddelo sansaan kale, sida; jajabyada oo loo beddelo jajab tobanle, boqolley oo loo beddelo jajab.

aroomaatig [m.l] (-gyo, m.dh)
(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo dhiskiisu ka koobanyahay giraamo bensiin ah.

awtomaatig [m.l]
Qalab isawada oo iskiis u shaqeeya. ld awtomaatiko, otomaatig.

bakhtiggowrac [m.l]
ld baqtiggowrac¹.

bakhtiggowrac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday)
ld baqtiggowrac².

bakhtiggowracid [m.dh]
ld baqtiggowracid.

baqtiggowrac [m.l]
Colaad aad u xumaata oo inta xeerka wanaagsan oo dagaalka laga gudbo, dadka nool daaye, kuwa dhinta la foolxumeeyo (gowrac, addimo ka goyn iwm); baqtiwareen. ld bakhtiggowrac¹.

baqtiggowrac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -rici)
Baqtigowrac ku kicid. ld bakhtiggowrac².

t [m.dh]
(ta') Xarafka sagaal iyo tobnaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg