tiigsasho
(m.f.dh)eeg tiigso. ld tiig (2), tiigaal, tiigsad, tiigsi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tiigsasho ↴
laac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday)
1. (f.g) Gacan fidsan wax ku tiigsasho. 2. (f.mg) Ka l.: cunto, cabbitaan iwm deg-deg u dhammaysasho. 3. (f.mg) Naq baxay muuqasho.
laal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
1. Wax meel kore saarid. 2. Sharci ama xeer hore u jirey tirtirid. 3. Wax meel sare yaal gacan ku tiigsasho. 4. Laal ciyaarid. 5. Gar iyo dood laba dhinac ka dhexeysa meel adag gelin.
ceyrso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax ordaya tiigsasho.
ciribso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Cid, ciirsi weyddiisasho. 2. Qof, cid ka horreysa tiigsasho.
higso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Si degdegsiinyo leh, wax horay u tegey u tiigsasho.
tiigaal [m.dh]
ld tiigsasho.
tiigsad [m.l]
ld tiigsasho.
tiigsi [m.l]
ld tiigsasho.