tiil
(m.l)

Daal iyo xoog aan jirin oo la iska doono.

tiil
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-iilay, -iishay)

Dadaal iyo xoon aan jirin iska doonid, iska raadin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tiil

ibitiiliyam [m.l] (-mo, m.dh)
(baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.

nabad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bday, -badday; -bdi)
La n.: Qof, qof kale oo ay colaadi dhex tiillay la heshiin.

waanwaan [m.dh]
1. Nabad yar oo ay kala dhigtaan laba qolo oo ay colaadi dhex tiil, heshiis nabadeed oo ku meel gaar ah. 2. Rajo.

fatiil [m.l] (-llo, m.dh)
Liifad. ld fatiilad.

fatiilad [m.dh]
ld fatiil.

hantiile [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Qof hanti leh. 2. Qof maaliyad badan leh.

istiil [m.l]
Karti iyo dadaal dheeraad ah oo lagu fuliyo hawl qabashadeedu dhib tahay.

istiil [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iilay, -iishay)
Hawl qabashadeedu dhib tahay karti iyo dadaal dheeraad ah ku fulin.

istiilid [m.f.dh]
eeg istiil².

karantiil [m.l]
ld karantiin.

ti [dk.lh.dh] (-ti)
ld tiisa².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg