tiin
(m.l)

1. Geed aan caleemo lahayn oo korkiisa qodxo ku wada rogon; miraha geedkaas. 2. Macdan.

tiin
(dk.lh.dh) (-tiin)

ld tiinna².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tiin

laatiin [m.l]
Far ama af qaddiim ah oo Roomaaniyiintii hore ku dhaqmi jireen.

waagii macdanka [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waagii dadku qalabka iyo hubka ay isticmaalaan ka samaysan jireen maar iyo tiin la isku dhafay. Waagani ma sheegayo waqti go'an oo taariikheed oo si taxane ah ugu xidhiidhsan dhacdooyin ka horreeyay; hase ahaatee, waagani wuxuu tilmaamayaa marxalad dhaqameed oo dadyow badan oo dunida ku nooli soo mareen, marka la eegayo horumarkii ay soo sameeyeen laga soo billaabo waagii alabka dhagxaanta laga samaysan jiray ilaa laga soo gaaro waqtigii la bartay qalabka xadiidka.

yatiin [Magac Lab/Dheddig Urur | Noun Masculine/Feminine Collective]
Carruur yaryar oo aabahood dhintay; agoon.

aayatiin [m.l] (-nno, m.dh)
Xaalad xumaan ama samaan leh oo ay cidi ku dambeyso; ciribdambeed. ld aayo¹.

aragtiinka asaasiga ah ee aljebra [m.l]
(xis.) Isle'eq tibxaale kasta oo leh sansaanka a z + a,z + a z ... +a z + a =o, taas oo a , a , a ,... iwm ay yihiin tirooyin murakab ah oo leh ugu yaraan hal xidid oo murakab ah.

aragtiinka asaasiga ee kalkulaska abynan [m.l]
(xis.) Aragtiin tibaaxaysa xiriirka ka dhexeeya abyan iyo xigsinayn, taas oo ah, haddii abyanka f(x)dx uu jiro, iyo urliba fansaarka f(x) uu jiro f'(x) = f(x) marka a x b; marka f(x)dx = F(b) - F(a).

bakhtiin [m.dh]
ld baqtiin.

baqtiin [m.f.dh]
eeg baqtii. ld bakhtiijiin, bakhtiin, baqtiijiin, baqtiijis.

borootiin [m.l] (-nno, m.dh)
(baay.) Dheef asaasi u ah caafimaadka, jirdhiska oo laga helo cunnada la quuto qaar ka mid ah..

borotiin-bu'eed [m.l] (-dyo, m.dh)
(baay.) Iskudhis kasta oo laga helo unugyada noolaha kasta oo ka kooban asiidh bu'eedyo (DNA ama RNA) iyo borotiin isu tegay.

ti [dk.lh.dh] (-ti)
ld tiisa².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg