tiir
(m.l) (-rar, m.l)1. (-rar,m.l) Qori sida usha u toosan oo xoog badan oo badanaa dheer oo inta dhulka lagu mudo wax celiya ama xoog tara; udub. 2. Dhis kasta oo qaabka iyo waxtarka tiirka leh. 3. T.ka kalabbarka mara oo caaradda iyo salka isu haya (caleen, waran iwm). 4. Kan u dhexeeya sanka labadiisa dul.
tiir
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)Neef ku soo biiray xayn xoola ah la collobid, hinaaso awgeed.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tiir ↴
daaddeg [m.l] (-gyo, m.dh)
(juqr.) Qayb ka mid ah webiga oo socoshada biyaheedu ay ka dheerayso socoshada caadiga ah ee biyaha. Waxa laga yaabaa inay sababto tiirada oo janjeerkeedu si kedis ah kor ugu kaco, ama adkaysiga dhadhaabaha biyuhu dul marayaan oo aan isla ekayn.
udub [m.l] (-dbo, m.l)
1.Tiir xooggan, farraarro leh oo dhismaha aqal soomaaliga lagu adkeeyo. 2. Tiirar badan oo meel wada yaal. 3. Summad geela lagu dhigo, qaab udub kor u jeeda ah leh oo meelo kala duwan looga dhigo; kabaal. 4. Dhigo.
ugu hooseeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Bar ku taalla garaaf fansaar taas oo leh qiimaha ugu hooseeya ee ku dhex jira gaalis. Haddii fansaarku yahay xood si joogta ah isu haysta, u hooseeyaha fansaarku waa bar noqod; taas oo ah tiirada taabtaha marka loo eego xoodka ay si joogto ah isaga beddesho min togane ilaa tabane iyada oo maraysa eber.
urugo [m.dh]
Uurkutaallo; tiiraanyo; caloolxumo.
xaj [m.l]
(dii.) Shanta tiir oo diinta Islaamku ku taagantahay mid ka mid ah oo waajib kaga dhigaya qofka inta uu noolyahay in uu hal mar tago Maka mowsinka xajka. ld xad¹.
afdhuub [m.l] (-bab/-byo, m.l)
Labada tiir ee aqal irriddiisa ku mudan midkood.
arkaan [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
A.ta islaamka: shanta tiir ee diinta islaanka ku taagan tahay. ld arkaanu-islaan.
baallacad [m.dh] (-ddo, m.l)
Nooc warmaha yaryar ka mid ah oo aan caarad dhuuban lahayn, lehna af ballaaran iyo tiir weyn.
barjee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-jeeyay, -jaysay)
1. (f.g) Galmoo. 2. (f.mg) Meel goglan oo barkimooyin lagu tiirsado leh jaad ku cunid.
belaayo [m.dh]
Belo dhibaato weyn oo xambaarsan murugo iyo tiiraanyo. ld balaayo, belo.
ti [dk.lh.dh] (-ti)
ld tiisa².