tiiraanyo
(m.dh)

Arrin lala murugoodo, caloolxumo, uurkutaallo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tiiraanyo

urugo [m.dh]
Uurkutaallo; tiiraanyo; caloolxumo.

belaayo [m.dh]
Belo dhibaato weyn oo xambaarsan murugo iyo tiiraanyo. ld balaayo, belo.

caloolgubyo [m.dh]
Dareen leh ciil, caro iyo murugo; tiiraanyo.

gamiin [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iimay, -iintay; -iimi)
1. Nafley tiiraanyo ka muuqato ahaansho. 2. Cunto ka caanadiidi.

kurbo [m.dh]
Dareen, welwel, cabsi iyo tiiraanyo leh oo ka dhasha mushkilad cusub oo cid ku timaadda oo aan maaro loo hayn.

qalbixun [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-maa, -mayd)
1. Cid tiiraanyo hayso ahaansho. 2. Cid aan niyad wanaagsan lahayn ahaansho.

qambaruur [m.l]
1. Tiiraanyo ka muuqata qof ooyaaya. 2. ld qambaruursasho.

qambaruursan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof ooyaaya wax wejigiisa tiiraanyo ka muuqata ahaansho.

tiiraanyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yaysay)
Cid tiiraanyo ku abuurid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg