tiiri
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Wax meel ku santeecin. 2. Wax xoojin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tiiri ↴
catiirid [m.f.dh]
eeg catiir². ld catiiris.
catiiris [m.f.dh]
eeg catiir². ld catiirid.
cuski [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax, wax kale ku tiirin.
daan [m.l] (-aaman, m.l)
(c.nafl.) Nudo adag oo tiiriyayaal ah, ha ahaadaan laf ama carjaw kuwaas oo sameeya fuqa hoose ee xayawaanka qaarkood, gaar ahaan lafdhabarleyda. Shaqada ugu weyn ee daamanku waxa weeye inay ilkaha ka caawiyaan qaniinyada iyo calaalinta cuntada.
dareenwade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(c.nafl.)Xidhmo nudo ah oo ka kooban miiqaq darenwade iyo nudo tiiriya, kuwaas oo ku dhex xidhan kiish ah nudo isku xidhayaal. Dareenwadayaashu waxay ku xidhaan habdhiska dareenwadka dhexe orgaannada iyo nudaha jidhka.
fantatiirid [m.f.dh]
eeg fantatiir². ld fantatiir¹, wantatiir¹, wantatiirid.
isfantatiirid [m.f.dh]
eeg isfantatiir².
santeeci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ku s.: wax derbi iwm ku tiirin.
tarbiicso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Si tarbiico leh isu taagid. 2. Derbi in yar isku tiirin.
tii [mu.ac.dh]
kuwii, w Magacuyaal aan cayinnayn oo dheddig ah oo cid ama wax la isla ogaa oo maqan oo aan magaciisa la sheegayn. Tus. “Waxaan arkay tii qortay buuggan?”.
tii [q.dh] (-tii)
Qodobka 'ta'oo noqda 'tii'kolka uu ka dabadhaco magac dhaddig, qof ka hadlaya iyo qofka lala hadlayo isla ogyihiin ama yaqaanniin. Tus. “Aaway baastadii aad karisay?”.
tii [dk.lh.dh] (-tii)
ld tiisa².