tiirsan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)1. Wax la tiiriyey ahaansho. 2. Ku t.: cid, cid kale kaalmo ka hesha ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tiirsan ↴
cuskan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax, wax kale ku tiirsan ahaansho.
fal [m.l]
(nax.) Qayb ka mid ah koox naxweedda isbedbeddesha, waxayna tilmaantaa wax la sameeyo ama wax la ahaado. Tus. “Guuleed wuu yimid”, “Sucaad way kortay”. F. gudbe: waxaa lagu magacaabaa fal u baahan layeele toosan si uu u hawlgalo sida “arag”, “cun”, “taabo”. Tus. “Sabriye ayaa tufaaxa cunay”; f. magudbe: fal aan oggolaanayn in uu si toos ah u yeesho layeele sida “soco”, “buub”, “weynow”. Tus. “Ismahaan baa soo socota”, “Ismahaan baa u soo socota dugsiga”; f. sifo: waxaa jira falal aan muujinayn waxa uu qabto yeeluhu, balse muujiya xaaladda uu ku suganyahay iyo sifadiisa; falalkani waxay mar waliba ay ku tiirsanyihiin fal “ahaansho”. Tus. “Gabadhu way wanaagsantahay”.
filqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qaday, -qatay)
Wax wax hayay ama la hayay ama wax ku mudnaa ama ku tiirsanaa, xoog sidbasho ku jirto u boodid, u bixid, u siibasho.
kabsid [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Midiidinka liita oo kabaha dadka u qaada; kabaqaad. 2. Qof aan ra'yigiisa ku meel mari karin oo had iyo jeer cid ku tiirsan.
magan [m.dh]
1. Badbaadinta la siiyo cid tabar darran. 2. Qof tabar darran oo qof kale ku tiirsan si uu badbaado u helo.
salaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Ku s.: wax, wax kale ku tiirsan ahaansho.
santeec [m.l]
Ku tiirsanaanta lagu tiirsanaado derbi, kursi iwm.
tiirsanaan [m.f.dh]
eeg tiirsan. ld tiirsa-naansho.
tiirsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld tiirsanaan.