tijaabi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

ld jitaabi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tijaabi

eeg [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Qof ama wax indho ku hayn. Tus. “Beerta eeg”. 2. Soo ee.: booqasho ku tegid (meel). Tus. “Cali oo jiraan baan soo eegay”. 3. Ka ee.: halis ka ilaalin. Tus. “Carruurta dabka kaa eeg”. 4. Ku ee.: wax ku tijaabin. Tus. “Albaabka furaha ku eeg”. 5. Isu ee.: isbarbardhigid dad, waxyaabo, arrin iwm. Tus. “Labada qoraal isueeg”. 6. Iska ee.: wax, waxyeelladooda ka foojignaan.

beder [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dray, -dertay; -dri)
Wax sida faras iwm orodkooda tijaabin.

day [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (dayay/deyay, dayday)
1. Indho, wax dhankooda u jeedin. 2. Isku d.: wax isku tijaabin.

fiiri [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1.(f.g) Wax eegid. 2. (f.g) Wax ka fekerid. 3. (f.mg) Isu f.: waxyaabo isbarbardhigid. 4. (f.mg) Ka f.: wax, wax kale ka ilaalin. 5. (f.mg) Ka f.: cid wax ka sixid. 6. (f.mg) Ku f.: wax, wax kale ku tijaabin. 7. (f.mg) U f.: cid wax u raadin.

hol [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-olay, -oshay)
Wax isku dayid; tijaabin.

holli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax tijaabin.

imtixaaman [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-aamaa, -aamayd)
1.Wax imtixaan laga qaaday ahaansho. 2. Dhibaato cid ku dhacda oo lagu tijaabinayo dulqaadkeeda ahaansho. ld intixaaman, itixaaman.

imtixaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Imtixaan lagu tijaabo cid aqoonta. 2. Dhibaato cid ku dhacda oo lagu tijaabinayo dulqaadkeeda. ld intixaan, itixaan.

imtixaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
1. Tijaabin heerka aqooneed ee qof. 2. Cid dulqaad-keeda tijaabin. ld intixaan², itixaan².

intihi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax tijaabin. ld intihee.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg