tilmaame
(m.l) (-mayaal, m.l/dh)Tusma-bixiye, horkace, wade.
tilmaame
(m.l) (-mayaal, m.l/dh)(kiim.) Iskudhis si geddisme ah u beddela midabka, kaas oo ku xiran, PH-ka milanka uu ku milanyahay. Mitimsyada ogsidhayn yareyntu waxay u baahan yihiin tilmaa-mayaal gaar ah.
tilmaame
(m.l) (-mayaal, m.l/dh)(nax.) Wuxuu tilmaamaa qof ama shay rugtiisa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tilmaame ↴
ta [mu.ti.dh] (kuwa, w)
kuwa, w Magacuyaal tilmaame oo
dhaddig, oo wax ama cid hadlaha u dhow
lagu tilmaansado. Tus. “Ta timid waa
Caasho”. ld tan (1) tan
taa [mu.ti.dh] (kuwaas, w)
Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka hadlaya ka fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “taa soo socota waa Hodan”. ld taas (1) taas
ka [mu.ti.l] (kuwa, w)
bbane. ldkaaf. ka¹ mu.ti.l (kuwa, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ka yimid waa Cali”. ld kan(2). kan
taas [dk.ti.dh] (-taas)
Dibkabe tilmaame oo magac dhaddig dib looga qodbo, oo wax ama cid hadlaha ka fog lagu tilmaansado. Tus. “Beertaas waa tayda”. ld taa².
asiidh-cabirid [m.dh]
(kiim.) Saafid-mugeed ama mitimis asiidh-beys halkaas oo milan caadi ah oo asiidh ah lagu daro milan ribnaantisi dahsoontahay oo ah beys tilmaame ku jiro. Alkalicabiridduna waa roganka asiidhcabiridda. Eeg alkalicabirid.
bartilmaameed [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Calaamad la isla wada yaqaan ama wax lagu aqoonsado. 2. Meel la isla wada yaqaan.
cagaarshow [m.l]
1. Cudur dadka ku dhaca,beerka waxyeeleeyo, oo indhaha iyo kaadida cagaarsha. 2. (daaw.) Hurdi noqoshada ama cagaarashada jirka meelo ka mid ah sida: maqaarka, caddaanka indhaha; taas oo tilmaameysa biilirubiinka oo dhiigga ku badan. ld Indhacaseeye.
kaas [mu.ti.l]
(kuwaas, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha ka fog lagu tilmaansado. Tus. “Kaas ayaa fiican”. ld kaa¹ (-kaas)
kaas [dk.ti.l]
Dibkabe tilmaame oo magac lab dib looga qodbo, oo wax ama cid hadlaha ka fog lagu tilmaansado. Tus. “Dukaankaas Cali baa leh”. ld kaa4.
kan [mu.ti.l]
(kuwan, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Waa kan ninka qoray buugga”. ld ka¹.