tilmaan
(m.dh) (-aamo, m.l)Calaamad muhim ah oo wax lagu garto. 2. Akhbaar iyo macluumaad laga siiyo cid meel ayan aqoon.
tilmaan
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-aamay,-aantay;-aami)1. U t.: wax tilmaantooda cid u sheegid. 2. Cid meel ayan aqoon akhbaar iyo macluumaad ka siin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tilmaan ↴
ta [mu.ti.dh] (kuwa, w)
kuwa, w Magacuyaal tilmaame oo
dhaddig, oo wax ama cid hadlaha u dhow
lagu tilmaansado. Tus. “Ta timid waa
Caasho”. ld tan (1) tan
taa [mu.ti.dh] (kuwaas, w)
Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka hadlaya ka fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “taa soo socota waa Hodan”. ld taas (1) taas
ka [mu.ti.l] (kuwa, w)
bbane. ldkaaf. ka¹ mu.ti.l (kuwa, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ka yimid waa Cali”. ld kan(2). kan
ogsidhayn [m.dh]
(kiim.) Habka atam, ayoon, ama molikiyuul ku lumiyo elektaroonno. Habkani waxa uu u dhici karaa si kiimikaadiyada oo la adeegsanaayo falgal uu ku jiro ogsidheeye, ama si danabeed iyada oo ogsidhayntu ka dhacayso qotinka togan. Tusaale ahaan, 2Na + Cl --> 2Na + 2Cl halkaas oo koloriin ay tahay ogsidheeye, naatriyamna la ogsidheeyay. Wejiga ogsidhaynta ee atam waxa lagu tilmaansadaa tirada elektaroonnada lumay; taas oo ah tirada ogsidhaynta. Tirada ogsidhaynta ee ayoon tabani way tabantahay. ld ogsidheeye.
taas [dk.ti.dh] (-taas)
Dibkabe tilmaame oo magac dhaddig dib looga qodbo, oo wax ama cid hadlaha ka fog lagu tilmaansado. Tus. “Beertaas waa tayda”. ld taa².
abbaarqaado [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aatay, -aadatay)
Ka a.: meel jahadeeda meel kale uga tilmaan qaadasho.
astaan [m.dh] (-aamo, m.l)
(daaw.) Tilmaan cudur leeyahay ama isbeddel hab hawleedyo jirka oo bukaanka laftigiisu dareemo. ld asto.
barmaguur [m.dh] (-ro ..., m.l)
(fiis.) Baro ku muujisan heerkul cabbiraha oo sugan, laguna tilmaansado astaamo walax leedahay oo la yaqaanno. Labada baro maguur ee muhiimka ah waa barta barafka (0 °C) iyo barta uumiga (100 ° C).
bikaaco [m.dh] (-ooyin, m.l)
(fiis.) Walax kasta oo ileys mootiye ah, lehna hal dhinac oo xoodan ama labada dhinacba xoodan. Bikaacada waxa lagu tilmaansadaa nooca dulaheeda ama raadka duluhu ku leeyihiin dhud ileys.
calaamo [m.dh]
1. (-ooyin, m.l) Tilmaan gaar ah oo wax leeyahay oo waxyaabaha la nooca ah looga garto; astaan. 2. Belo; masiibo. 3. C. ah: curyaan. ld calaamad.