timir
(m.dh)1. Geed u eg geedaha baarta. 2. Miraha geedkaas ka baxa, sonkor baa ka buuxda, laf yar oo adagna way ku dhex-jirtaa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh timir ↴
jaabbiyad [m.dh]
Berked biyaha loogu kaydiyo
beeraha timirta.
awrdhaw [m.l]
1. Rimmay gacmeeda lagu sameeyo geedaha aan labeebka ahayn sida timirta; faxlid. 2. ld awrdhebid.
awrdhaw [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dhabay, -dhabday; -dhabi)
Geedaha aan labeebka ahayn sida timirta iwm rimay gacmeed ku samayn; faxlid.
axar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xray, -xartay)
1. Timir iwm lafo ka saarid. 2. Arrin aad uga baaraandegid.
baar [m.dh]
(baar, m.dh) 1. Geedka cawdu ka baxdo, waa dhir oo ay isku bah yihiin timirta, bixiya miraha qoonaha iyo caw oo ka baxa meelaha kulul ee biyaha leh. 2. Nagaar dhulka ku faalala oo xooluhu daaqaan.
barni [m.dh]
Nooc ka mid ah jaadadka timirta, midab bunni ah leh oo faradda u eg kase waaweyn.
beeg [m.l]
1. ld beegmo. Raashinka la cuno, sida badarka, sonkorta, timirta iwm cabbirkooda. 2. ld beegid.
beni [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Deyd dhagax ka samaysan oo beeraha timirta lagu kala qoqobo. 2. Cariish ka samaysan dhagax iyo qoryo. 3. (ld bini) Lacag bir ah ka mid ah lacagta sarrifka ee Ingiriisiga o laba iyo tobankii beni u dhiganta hal shilin.
busur [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Miro timireed oo heerkii bislaanshada gelaya.
cakisan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax la cakisay ahaansho (bur, timir, dhoob, iwm).