tirsiimo
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective) (-ooyin, m.l)Abyooneyaasha togan ee 1 ,2 ,3... ayaa lagu magacaabaa tirooyinka tirsiimo, waxa kale oo la yiraahdaa tirooyinka wax lagu tirsado ama abyooneyaasha togan (eeg abyoone).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tirsiimo ↴
abtirsiimo [m.dh]
ld abtirsiinyo.
abyoone [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(xis.) Urur ka kooban tirooyinka idil ee togan iyo kuwa taban; 0, 1, 2, 3, 4, ... Abyooneyaasha togan ee 1, 2, 3, 4,... waxa lagu magacaabaa tirooyinka tirsiimo ama kuwa wax lagu tirsado.
dhoys [m.l] (-sas, m.l)
Qof aan tirsiimo lahayn; caaq.
tiro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. (xis.) Summado loo adeegsado tirinta iyo cabbirid- da.Tirooyinka hadda guud ahaan la adeegsado waxa ay ku salaysanyihiin habdhis salkiisu yahay Hindi-Carab. 2. (xis.) Tiro kasta oo ah maangal ama murakab waxa jiro noocyo badan oo tirooyin ah: (b) tirsiimo (abyoone togan) (t) tiro idil (j) abyooneyaasha (x) tiro lakab ah (kh) tiro lakab la'. 3. (nax.) Koox naxweed oo waxqabadkeedu yahay in ay tilmaanto cadad dad, xayawaan iyo shay oo giddigooda ah tirsamayaal. Tus. “Kow, labo, qof”; tirada lidka isku ah waa keli iyo wadar (mid/dhawr).