tixraac
(m.l)

ld tixraacid.

tixraac
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-cay, -cday)

Qoraal, hadal iwm xigasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tixraac

saadaal-cudur [m.dh]
(daaw.) Saadaasha socodka cudurka iyo xaaladda mustaqbalka ee bukaanka iyadoo la tixraacayo aqoonta socodka cudurka oo horay loo lahaa, lana tixgelinayo caafi-maadka guud ee bukaanka, da'da iyo jin-siga bukaanka.

dhidib [m.l]
1. (xis.) Xarriiqda uu shaxan ku wanqaaranyahay. 2. (xis.) Mid ka mid ah xarriiqyada tixraac ee maguuraanka ah ee lagu isticmaalo garaaf ama habdhis kulan. 3. (xis.) Xarriiqda uu xood ama walaxi ku dul waniino.

fogaan-xagleedka u dhexaysa laba barood [m.dh]
(xis.) Fogaanta u dhexaysa laba barood marka laga cabbiro xagasha u dhexeysa laba xarriqood oo mara baraha iyo bar tixraac oo wadaag ah. Tusaale ahaan fogaan xagleedka u dhexeya baraha A iyo B iyada oo loo eegayo barta T waa xagasha ATB.

kulan [m.l]
(xis.) Urur tirooyin ah oo lagu muujiyo bar ku taalla dulalaati. Bar maguuraan ah oo la yiraahdo unugga iyo xarriiqyo maguuraan ah oo la yiraahdo dhidibbo ayaa tixraac ahaan loo adeeg-sadaa.

kulannada Kaartis [m.l]
(xis.) Habdhis kulan ee rugta ay bari taallo lagu helo fogaanta ay bartaasi u jirto xarriiqyo tixraac oo lagu magacaabo dhidibbo. Laba addimaa-leyaasha waxaa la adeegsadaa laba xarriiqood, badanaaba labada xarriiqood waa ay isku qotomaan. Waxa ayna sammeeyaan habdhiska kulannada laydi. Xarriiqda jiifta waa dhidibka - x, tan taaganna waa dhidibka - y. Barta ay labada xarriiqood iska gooyaan 0, waa unugga habdhiska kullanka.

tixraacid [m.f.dh]
eeg tixraac². ld tixraac¹.

xigo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
1. Neef dhowaan la maalay mar kale maalid. 2. Hadal, maanso iwm oo horay loo sheegay tixraacid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg